Mu'asasada Ileys (MI) waa urur samofal
oo aan siyaasad shaqo ku lahayn. Sida laga
dhadhansan karoba, ereyga Ileys wuxuu ka
tarjumayaa in ururku yahay ileys u soo
bidhaamay shacabka Soomaaliyeed.
Aasaasitaanka Ileys oo la dhisay
Febraayo 2006dii, waxay ka dambeysay kulan ay
yeesheen koox aqoonyahanno ah oo rag iyo
dumarba leh, kuwaasoo qiimeyn guud ku sameeyay
dhibaatooyinka ay la kulmaan shacabka ku
dhaqan gobollada dhexe ee Soomaaliya.
Aasaasayaasha Ileys waxaa ay ka
dhiidhiyeen dhiidhiyeen in la moodo in
gobollada dhexe la dayacay. Sida la ogsoon
yahayba, hay'adaha samofalka ee ka howlgala
Soomaaliya dhibaatada waxay xoogga saaraan
magaalooyinka waaweyn sida Muqdisho, Kismayo,
Baydhabo, iwm. Sidoo kale dadka aqoonyahanka
ah ayaa iyaguna u muuqda inay ku badan yihiin
magaalooyinka waaweyn, taasoo keeneysa in dad
aqoon leh laga waayo gobollada qaarkood.
Arrintan ayaa sababta in dadku weli ka soo
haajiraan gobollada dhexe iyagoo soo
raadsanaya meelo ay nolol wanaagsan iyo
waxbarashaba ka heli karaan.
Hase yeeshee Ileys waxay dadaal ugu
jirtaa sidii ay wax uga qaban lahayd
dhibaatooyinkan, sidoo kalena ay ugu
dhirrigelin lahayd aqoonyahanka sidii ay uga
shaqeyn lahaayeen gobolladaas, iyadoo la
abuurayo adeegyo soo jiita aqoonyahanka si ay
gacan uga geystaan sare-u-qaaddida tayada
nolosha ee gobollada dhexe.
Inkastoo xaruntu tahay magaalada
Dhuusamarreeb, haddana Ileys waxay xafiisyo ku
leedahay Muqdisho iyo Guriceel. Sidoo kale
waxay wakiillo ku leedahay Yurub, Waqooyiga
Mareykanka, iyo Khaliijka.
Aragtida fog ee Ileys
Ileys waxay higsaneysaa inay ka qeyb qaadato
sidii loo dhisi lahaa bulsho isu naxarisaneysa
oo ku wada nool nabad, isku-filnaansho
dhaqaale, iyo sharaf.
dignity.
Waxa ay Hay'addu u jirto
Ileys waxay u jirtaa inay bulsho is caawineysa
iyadoo la sii marayo barnaamijyo horumarineed
iyo wacyigelinta bulshada si looga shaqeeyo
sare-u-qaaddida tayada nolosha aadanaha iyo
xoolaha.