English   |   Somali  
HOMEPAGE
ABOUT_US
OBJECTIVES
CORE_VALUES
PROGRAMS-ILEYS
NALA SOO XIRIIR
 

      Sources of Funds

      Support Us

      Our Representatives
 
 
 
 


Objectives 

Ileys waxay higsaneysaa inay gaarto ujeeddoyinkan:

  1. Inay fidiso adeegyo bulshadeed oo ka qeybqaadanaya horumarka sida caafimaadka dadka iyo xoolaha, waxbarashada, iyo horumarinta xoolo-dhaqashada iyo ka-faa'iideysiga kheyraadkooda.
  2. Inay wax ka qabato musiibooyinka degdegga ah, isla markaana ay sameyso gurmad deg deg ah.
  3. Inay sare u qaaddo wacyiga dadweynaha iyadoo lagu baraarujinayo waxyaabaha aayahooda wax taraya, loogana digayo waxyaabaha dib-u-dhaca keenaya.
  4. Inay aruuriso, isla markaana ay baahiso macluumaad ku saabsan waxyaabaha loo qabto dadaweynaha iyo xoolaha ee gobollada dhexe, iyadoo la adeegsanayo warbaahinta kala duwan.  
  5. Inay kala sameyso xiriirro hay'adaha iyo ururrada kale, ee gudaha iyo caalamiba leh, arimaha la xirirra waqabadka hay'adda.
  6. Inay ku soo duwdo dareenka deeq-bixiyeyaasha gudaha iyo dibeddaba dhibaatooyinka ay la kulmaan bulshada ku dhaqan gobollada dhexe, iyo
  7. Inay qabato waxyaahii kale ee la xiriira wax-u-qabadka bulshada.

____________________________________________________________________________________________________
Ra'yigaaga noogu soo dir E-mail:- Info@ileys.org ama moallim@ileys.org

Copyright ©  2007 - All Rights Reserved. Ileys Foundation E-mail: info@ileys.org

Designed and Hosted by AfroTech