Horumar kasta waxaa ka horreeya in qofku
dareemo inuu u baahan yahay inuu horurmar
sameeyo. Sidaasi awgeed Hay'adda Ileys waxay
ka shaqeyn doontaa inay sare u qaaddo wacyiga
dadweynaha gobollada dhexe iyadoo adeegsaneysa
barnaamijyo kala duwan:
Iyadoo la tixgelineyna sida ay muhiimka
u yihiin, Hay'adda Ileys waxay u aragta
dhinacyada hoos ku xusan inay yihiin kuwa ugu
horreeya ee aan dadka ka wacyiogelineyno:
-
Sare-u-qaaddida nabadda iyo is-dhex-galka beelaha
-
Cudurka dilaaga ah ee AIDS
-
Kicinta bulshada sidii ay danahooda u qabsan lahaayeen
-
Dhowridda xuquuqda aadanaha
-
Ilaalinta deegaanka