Ileys waxay aaminsan tahay in 'waxbarashadu'
tahay aaladda ugu muhiimsan ee lagu beddeli
karo nolosha aadanaha.
Sidoo kale waxay Ileys rumeysan tahay in
waxbarashadu sahasho in dadku xirfado yeeshaan,
iyadoo ka qeyb qaadaneyso qaabkii looga gudbi
lahaa saboolnimada.
Sidasi awgeed, Ileys waxay qorsheyneysaa inay
wax ka qabato baahiyada waxbarashada ee ka
jira gobollada dhexe ee Soomaaliya, iyadoo
sare u qaadeysa tayada dugsiyada haatan ka
dhisan gobolladaas, isla markaana aasaaseysa
kuwo cusub, gaar ahaan deeggaannada aan lahayn
gobo waxbarasho.
Sidoo kale gobollada dhexe ma laha wax ka
sarreeya dugsi sare, sidaasi darted ad bay ugu
yar yihiin dadka haysta shahaado ka sarreysa
dugsi sare.