Dhiibaatooyin waaweyn ayaa soo gaaray deegaanka Soomaaliya sanadihii ugu
dambeeyay ee uu brburku ka jiray dalka.
Haddaba Hay'adda Ileys waxay ku dadaaleysaa
sidii ay wax uga qaban lahayd dhiibaatooyinka
deegaan ee ka taagan gobollada dhexe ee
Soomaaliya.

Nin dul fadhiya gaari ay ku raran tahay
dhuxul dibedda loo dhoofinayo
Hay'addu waxay wax ka qaban doontaa
dhibaatooyinkan:
1.
Gubitaanka dhirta iyo baabi'inta keymaha iyadoo la
doonayo in loo beddelo dhuxul loo dhoofiyo
dalka dibeddiisa.
2.
Iyadoo aad loogu tiirsan yahay dhuxusha si dadku
wax ugu karsadaan
3.
Iyadoo reer-guuraagu geedo badan si ay u sameystaan
aqallo (guryo) ama moorooyinka xooluhu
gabbaadsadaan. Maadaama reer-guuraagu socod
badan yihiin, waxay taasi la mid tahay in
geedo badan loo jaro sababtaas awgeed.
4.
Iyadoo ay dalka ka jirto khatarta ka iman karta
suntan niyuklerka ee lagu daadiyay xeebaha iyo
meelo ka mid ah dhulka Soomaaliya.
5.
Iyadoo durjoogta dalka lagu hayo dabar-goyn joogto
ah
6.
Maraakiib iyo doomo dheereeya oo aad xaalufin ku
haya kalluunka xeebaha dalka
7.
Iyadoo aysan jirin wacyi-gelin ku saabsan dhanka
ilaalinta deegaanka
Hadda si wax looga qabto dhibaatooyinka
deeganka, Hay'adda Ileys waxay qorsheyneysaa:
-
Inay raadiso qaab lagula dagaallamo
nabaad-guurka ku socda dhulka Soomaaliya.
-
In cilmi-baaris lagu sameeyo deegaanka
gobollada dhexe iyo meelaha ugu ba'an ee ay
waxyeelladu soo gaartay.
-
In la billaabo ololeyaal dadka loogu
dhiirigelinayo sinay tallaalaan geedo cusub.
-
In la abuuro, isla markaana lagu tababaro
xirfado shaqooyin oo ay ku shaqeystaan dadka
haatan ka shaqeeya goynta dhirta.
-
In sare loo qaado wacyiga dadka ee ku
saabsan ilaalinta deegaanka, sidoo kalena
lagu dhiirgeliyo bulshada sidii ay uga qeyb
qadaan lahaayeen ilalainta deegaanka.
-
In la qabanqaabiyo siminaarro iyo
aqoon-isweydaarsiyo looga hadlayo ilaalinta
deegaanka.