English   |   Somali  
HOMEPAGE
ABOUT_US
OBJECTIVES
CORE_VALUES
PROGRAMS-ILEYS
NALA SOO XIRIIR
 

      Sources of Funds

      Support Us

      Our Representatives
 
 
 

Isbitaallada gobollada dhexe waxay u baahan yihiin qalab, daawooyin, dhaqaatiir iyo kalkaaliyeyaal aqon leh.

 
 
 


Caafimaadka

Mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu weyn ee ka taagan gobollada dhexe ee Soomaaliya waa adeegyo caafimaad oo ku yar gobollada. Isbitallo aad u yar ayaa ka dhisan magaalooyinka waaweyn ee gobollada dhexe, iskaba daa tuulooyinkee. Tusaale isbitaal kama furna magaalada Dhuusamarreb oo ah caasimadda gobolka Galgaduud, waxayna dadku safraan ugu yaraan 100km si ay u gaaraan isbitaalka ugu dhow.

Sidoo kale, waxyaabaha ka qeybqaadanaya inuu sii xumaado caafimaadka bulshada ugu muhiimsan iyadoo ay yar tahay helitaanka biyo nadiif ah. Iska dhaaf biyo nadiif ahe, waxaa gobollada dhexe ka adag in la helo biyo la cabi karo. Sidaasi darteed waxay ku tiirsan yihiin biyaha roobka iyo tiro yar oo ceelal ah. Nasiibdarro dadku badankiis ma awoodaan inay ceelal qotaan.

Hay'adda Ileys waxay qorsheyneysaa inay dhisto, isla markaana qalabeyso isbitaallo laga aasaaso gobollada dhexe, isla markaana ay taakuleyso kuwa haatan shaqeynaya. Sidoo kale inay gacan ka geysato sidii loo heli lahaa biyo nadiif, isla markaana joogto ah.

Haddaba Ileys si ay u daboosho baahida cafaimaad ee jirta waxay qorsheyneysaa inay wax ka qabato ariimahan:

  • Inay ka dhisto isbitaallo magaalooyinka waaweyn sida Dhusamarreeb
  • Inay aasaasto Xarumaha Xannaanada Hooyada iyo Dhallaanka
  • Inay agaasinto safarro caafimaad oo wax loogu qabanyo dadka reer-guraaga ah iyo tuulooyinkaba.
  • Inay qoddo ceelal, isla markaana ay joogteyso faya-dhowrkooda.
  • Inay ka dhisto musqulo meelaha dadku u badan yahay
  • Inay tababarto dhaqaatiirta deegaanka, kalkaaliyeyaasha, umulisooyinka, iyo dadka farmashiyeyaasha iibiyaba.  

____________________________________________________________________________________________________
Ra'yigaaga noogu soo dir E-mail:- Info@ileys.org ama moallim@ileys.org

Copyright ©  2007 - All Rights Reserved. Ileys Foundation E-mail: info@ileys.org

Designed and Hosted by AfroTech