English   |   Somali  
HOMEPAGE
ABOUT_US
OBJECTIVES
CORE_VALUES
PROGRAMS-ILEYS
NALA SOO XIRIIR
 

      Sources of Funds

      Support Us

      Our Representatives
 
 


Barnaamijyada Gargaarka 

Abaaraha iyo biyo-la'aantu waa dhacdooyin soo noqnoqda sanad walba inta badan gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Iyadoo arrimahaasi jiraan, ayaa waxaa dadka deegaanka ugu sii darsamay  culeyska ka soo food-saaray dadka ka soo bara-kacay koonfurta Soomaaliya oo ku dhibaateysan gobollada dhexe . Dadkaasi ma haystaan cunto, biyo, dhar, iyo hoy ay ku gabbadaan. Sidaasi darteed dadka deegaanka, oo aan awalbaiyagu wax haysan, ayaa dusha u rita inay dadkaasi wax taraan.

Sidasi darteed Hay'adda Ileys waxay wax badan ka qaban doonaa gargaarka iyomusiibooyinka.

Helitaanka biyo nadiif ah

Dhibaatooyinka aadannimo ee sida joogtada ah uga dhaca gobollada dhexe waa iyadoo ay yar tahay helitaanka biyo nadiif ah oo joogto ah. Sida la wada ogsoon yahay gobollada dhexe ee Soomaaliya waxay caan ku yihiin oomane. Reer miyiga gobollada dhexe waxay ku qaadataa qiyaastii wax ka badan 3 saacadood si ay helaan biyo ay cabbaan ama ay siiyaan xoolaha ay dhaqdaan, taasoo dhaqanka Soomalaiga loo yaqaano (Dhaan). Nasiib darro haweenka iyo carrurta ayaa mararka qaarkood qaada mas'uuliyadda dhaanka, hadduusan reerku lahayn rag qaan-gaar ah.

Dhaanka meelaha fog loo aado wuxuu kaloo saameyn ku leeyahay ammaanka dadka howshaas qabanaya.


Laba haween oo awr saaraya haamo ay biyo ku jiraan. Hawenka ayaa mararka qaarkood biyaha u dhaamiya reerahooda.

____________________________________________________________________________________________________
Ra'yigaaga noogu soo dir E-mail:- Info@ileys.org ama moallim@ileys.org

Copyright ©  2007 - All Rights Reserved. Ileys Foundation E-mail: info@ileys.org

Designed and Hosted by AfroTech