English   |   Somali  
HOMEPAGE
ABOUT_US
OBJECTIVES
CORE_VALUES
PROGRAMS-ILEYS
NALA SOO XIRIIR
 

      Sources of Funds

      Support Us

      Our Representatives
 
 
 
 


Hay'adda Waddaniga Ileys oo la kulantay odoyaasha, culimada iyo madaxda Dhuusamarreb, Guriceel & Matabaan  

Kulan ballaaran oo ay ka qaybgaleen oday dhaqameedyada, Culimada, iyo madaxda degmooyinka Dh/marreeb, Guriceel, iyo Matabaan iyo madaxda maamulka hay’adda waddaniga ah ee ILEYS FOUNDATION ayaa 27kii August 2007 ka dhacay guriga Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur oo ku yaalla degmada Guriceel ee gobolaka G.gaduud    

 
Ugaas Xassan oo dhex fadhiya kulanka  

Kulankaas oo looga hadlayey arrimo la xiriira sidii ha’adda ILEYS ee Samafalku uga billaabi lahayd howlaheeda horumarineed degmooyinka, tuuloyinka iyo dhammaan deegaannada hoos yimaada gobolka Gal-gaduud.  Sidoo kale waxaa looga arrinsaday sidii dhammaan bulshada gobolku u gacan siin lahaayeen waxqabadka iyo dadaalka ugubka ah ee ay hay’adda ILEYS ka bilaabayso degmooyinka gobolkan, iyadoo hay’addu ay kaashaneyso dhammaan bulshada qaybaheeda kala duwan sida: duubabka dhaqanka, culimada. dhallinyarada, haweenka, iwm.

Waxaa kulankaas ka qayb galay madax ka socotay  hay’adda ILEYS oo ay kamid ahaayeen Dr. Maxamed Macallin Cali iyo C/qaadir Maxamed Sebriye oo labaduba ka sheegay kulankaas sida ay uga go’an tahay wax-ka-qabashada iyo kor-u-qaadidda adeegyada lagama-maarmaanka u ah jiritaanka bulsho wannaagsan.


DR. Maxamed Macalin Cali oo ka hadlaya kulanka

DR.Maxamed Macalin Cali oo ka hadlay kulankaas ayaa qeexay sababta ay Xilligan ugu soo beegeen howshan, isagoo tilmaamay in xiligan loo baahan yahay in dadka ku dhaqan gobolkan ay helaan waxyaabaha daruuriga u ah noloshooda, kuwaas oo ay waxbarashada iyo caafimaadku kow ka yihiin Isla markaasna waxa uu aad ugu nuux-nuuxsaday dhinaca waxbarashada oo uu ku tilmaamay tiirka koowaad ee horumar lagu gaari karo, waxa uuna intaasi ku daray in kumannaan qofood oo ka soo barakacay guryahoodii iyo shaqooyinkoodii yimidna gobolkan ay u baahan yihiin in ay u helaan carruurtooda waxbarasho iyo adeeg caafimaad.


C/qaadir Maxamed Sabriye oo kulanka ka hadlaya

C/qaadir Maxamed Sebriye oo ka mid ah masuuliyiinta hay’adda ILEYS, kana hadlay kulankaas ayaa isna tilmaamay in muhiimadda koowaad ee ay u Yimaadeen ay tahay sidii loo xaqiijin lahaa loogana gun-gaari lahaa horumarinta adeegyada guud ee bulshada, wuxuuna sidoo kale weydiistay Ugaaska, madaxda degmooyinka, odoyaasha iyo bulshada inteeda kale ee  ka qayb-galay kulankaas in ay kaalin muuqata ka qaataan sidii wax loo tari lahaa dadka gobolkan oo uu ku tilmaamay xiligan kuwo mudan in ay helaan adeegyo la mid ah ama ka heer sarreeya kuwa ka jira gobolalda dalka qaarkood, wuxuuna  nasiib darro ku tilmaamay in  adeegyada bulshada ee ka jira degmooyinka gobolka ay yihiin kuwo aad iyo aad uga hooseeya adeegyada ka jira gobollada ku xeeran. Sidoo kale waxa uu  muujiyey sida ay lama-Huraanka u tahay xiligan in waxgaradka, Culimada, dhallinyarada, haweenka iyo dhammaan bulshdu u istaagaan horumarinta gobolka.


Ugaas Xassan oo ka hadlaya kulanka

Ugaas Xasan Ugaas Maxamed oo qaban qaabiyey kulankan ayaa isna ka sheegay kulankan in ay soo dhoweynayaan lana shaqeynayaan madaxda hay’adda ILEYS iyo waxqabadkooda. Ugaaska ayaa ku tilmaamay  dadaalkan ay hay’adda ILEYS ee waddaniga ah uu muujinayo in  waa’ cusubi u baryey dadweynaha gobolkan, isagoo ka codsaday odoyaasha dhaqanka madaxda degmooyinka iyo dhamaan ka qaybgalayaashii kulankaas in ay u diyaar garoobaan sidii loola shaqeyn lahaa masuuliyiinta hay’adda ILEYS.


 Nabadoon Cartan SH.Doon oo ka hadlaya kulanka

Nabaddoon Cartan Sheekhdoon Cusmaan oo ka hadlay kulankaas ayaa sheegay in meelaha ay u baahan yihiin dadweynaha gobolkani  in laga caawiyo ee sida aadka ah u liidata ay tahay waxbarashada oo uu  ku tilmaamay in ay tahay in laga wadashaqeeyo.

Waxaa kulankan ka qaybgalay Waxgarad farabadan oo kakala yimid Caasimadda gobolka G/gaduud ee Dh/marreeb iyo degmooyinka G/ceel & Matabaan kuwaas oo dhammaantood isku raacay in laga qayb-qaato dadaallada horumarineed ee ay hormuudka u tahay hay’adda ILEYS, kuwaas oo ka billowday gudaha gobolka G/gaduud.

Kadib gunaanadkii kulankaas waxaa ka duceeyey Ugaas Xasan oo u rajeeyey madaxda hay’adda ILEYS shaqo wanaagsan iyo horumar fiican.

Waxgaradkii ka qaybgalay kulankaas oo aad u badnaa ayaa waxaa kamid ahaa kuwan;

Ugaas  Xasan  Ugaas  Maxamed  Ugaas  Nuur
Maxamed maxamuud warsame ( Guddoomiyaha degmadaDh.mareeb)
Cali Sh.maxamuud             (Guddoomiyaha degmada G.ceel)
Xasan  Cusmaan Nuur         (Guddoomiyaha degma matabaan)      
N/doon Clime  Xirsi    Carab     (Guddoomiyaha duubabaka dhaqanka)
N/doon Max’ud C/lle  Warsame Rogomey
N/doon Jaamac Bootaan   Diini              
N/doon Jaamac  Cujubey Beylax
N/doon Cabdi    Xeyle     kooshin
N/doon Cartan     Sh.doon Cusmaan
N/doon Sh.Max’ed Cumar Sarmaale
N/doon Warsame Sebriye Cilmi
N/doon Yaasiin   Xaashi    Ugaas
N/doon Max’ud Xasan      Dh.xarar
N/doon Khaliif  Sh.  C.Raxmaan
Sh. Maxamed C/lle  Firdhisle

Kulanka ayaa ku dhamaaday jawi wanaagsan iyo is af garad,Wuxuuna noqonayaa kulankii ugu horreeyey ee noociisa ah oo lagu qabto gobolkan tan iyo Sidii dagaalada sokeeya ee galaaftay nolosha dad badan oo aan waxba galabsan

                                     Daawo Sawirrada kulanka

____________________________________________________________________________________________________
Ra'yigaaga noogu soo dir E-mail:- Info@ileys.org ama moallim@ileys.org

Copyright ©  2007 - All Rights Reserved. Ileys Foundation E-mail: info@ileys.org

Designed and Hosted by AfroTech