English   |   Somali  
HOMEPAGE
ABOUT_US
OBJECTIVES
CORE_VALUES
PROGRAMS-ILEYS
NALA SOO XIRIIR
 

      Sources of Funds

      Support Us

      Our Representatives
 
 
 
 

Hay'adda Waddaniga Ileys oo la kulantay maamulayaal iyo macalimiin ka socotay dugsiyada gobolka Galgaduud  


Shirka oo Ka furmay Hoolka Shiraraka Ee Dugsiga Axyaa Waddani

SHirkan oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda ILEYS loogana hadlayey sidii wax looga qaban lahaa loona Tayeeyn Lahaa Waxbarashada Gobolkan ayey ka qaybgaleen Xubno ka socday hay’adda I LEYS Iyo Maamulada  iyo Macalimiinta dugsiyada Hoose Dhexe ee Gobolkan, intii uu Socday

Kulankan ayay Isku weydaarsadeen Xubnihii Ka socday hay’adda ILEYS iyo Bahda waxbarashada gobolka dood Ku aaddan Sida looga bixi karo Caqbadaha iyo culeysyada Hortaagan In Waxbarashadu Horumarto,Waxyaabihii ay labada dhinac ka doodeen ayay Kamid ahaayeen:Sida looga gudbi karo Dibaatooyinka ka jira dhinacyada dhaqaalaha,Iyo

Gunnooyinka Macalimiinta iyo Sidoo kale dayac-tir la’aanta haysata dhismayaasha Dugsiyada Waxbarashada ee Gobolkan, Macalimiinta iyo Maamulayaasha ayaa Soo Jeediyey in la helo Nidaam Guud oo Mideeya dugsiyada isla markaana la raadiyo Sidii Barayaasha Wax ka dhiga Dugsiydu ay u heli lahaayeen Dhiiri-gelin ku aaddan sidii ay u Sii wadi lahaayeen Waxbaridda Ubadka u baahan in ay helaan waxbarashada,ee ku sugan Degmooyinka Gobolkan.

Madaxda ka Qaybgashay kulanka ee ka socotay hay’adda ILEYS ee waddaniga ah oo ay Kamid ahaayeen Dr. Maxamed Macalin iyo C/qaadir Maxamed Sabriye ayaa labaduba ka Sheegay kulankaas in maamulayaasha iyo Macalimiintaba looga baahanyahay in ay ku Talagalaan in aanay jirin Cid u Maqan oo ay ka Sugaan horumarinta Wax barashada.

 
DR.Maxamed Macalin Cali oo Sharxaya Qiimaha ay Barayaasha iyo Waxbarashaduba U leeyihiin Bulshda

 Dr.Maxamed Cali Macalin ayaa ugu horreeyn uga Mahad-celiyey Maamulayaasha iyo Macalimiinta iyo marti sharafta kale Sida ay isugu howleen Kamiro-dhallinta iyo Dadaalka ay ku bixiyeen Waxbaridda ubadka gobolka,wuxuu kula taliyey Maamulayaasha iyo Macalimiita in ay Muujiyaan dulqaad Si loo gaaro buu yiri hadafka iyo ujeedka laga leeyahay Waxbarashada.dr.Maxamed Macalin ayaa Sidoo kale Tilmaamay in hay’ad ahaan ay isku Howlayaan in la tayeeyo iskuulada iyo Goobaha Waxbarashada ee hadda howl-gala.

C/qaadir Maxamed Sabriye oo Isna kamid ah Xubnaha Madaxda Hay’add ILEYS Ee Kulankaasi ka hadlay ayaa isna tilmaamay in Si loo helo Wada-jir iyo iskaashi looga Gudbo Dhibaatooyinka jira ee haysta Waxbarashada Loona baahan yahay in ay si wada-jir Ah  u howl-galaan Maamulayaasha,Macalimiinta, waalidiinta iyo Bulshada qeeybeheeda kale,Wuxuuna Intaaasi ku daray in Xaqiijinta Hadafkaasi iyo Ujeedka Hir-gelinta habsami u socoshada Howlaha Waxbarashada ay u baahan tahay in la isugu daro Maskax, Muruq iyo Maalba


Madaxa Waxbarashada Ee gobolka Cali Maxamuud Cumar (Cali Cirro) oo ka hadlaya Shirka

Madaxa Waxbarashada ee Gobolkan G.gaduud Cali Maxamuud Cumar (Cali-Cirro) oo Isna ka qaybgalay Kulankan ayaa ka sheegay in Muddo 10-Sano ah Ay la kufaa-kacayeen dhibaatooyin  ka haystay dhinacyada Gunnooyinka Macalinka iyo Dhismaha iyo Sidoo kale Dayactirka Goobaha Waxbarashada,Wuxuuna intaa ku daray in Hadda Waxyaabaha dhibaatada ku haya ay ugu waaweyn yihiin Man-hajka,Mushaarka Macalinka iyo Waxyaabo Kale oo Muhiim u ah habsami u socodka howlaha Waxbarashada  

Kulankan ayey Sidoo kale ka hadleen Maamulayaasha iyo Macalimiintuba,Waxa ayna Si Qoto-dheer u tilmaameen Waxayaabaha dhibaatooyin ah ee haysta Waxbarashda iyo Sida  Ay iyaga ula Muuqato in looga gudbi karo  dhibaatooyinkaas.

 Sidoo kale Maamulayaashii ka hadlay Shirkaas Waxaa ka mid ahaa Sh.Maxamed Yuusuf Xeefow Maamulaha Dugsiga Hoose DHexe iyo Saraba oo Isna Sidoo kale Muujiyey Duruufaha ay ku Shaqeeynayaan oo uu Sheegay in ay  Yihiin Kuwo adag

Waxaa Shirkan ka Qaybgalay Maamulayaasha iyo Macalimiinta dugsiyada Waxbarashda Ee Degmooyinka Dh.mareeb, Guri-ceel, Matabaan iyo Ceel-dheere ee Gobolkan G.gaduud,Waxaana Sidoo kale joogay Madaxda Waxbarashada ee Gobolka.

Madaxda Hay’adda ILEYS oo iyana ka mid ahaa Madaxda Ka qayb-gashay Shirka soona abaabushey ayaa Muujiyey Niyad Sami, Waxa ayna Sheegeen in la badin doono Kulamada noocan oo kale ah.

Shirkan ayaa ku dhammaaday heer Wanaagsan, Bahda Waxbarashada iyo Madaxda Hay’adda ILEYS ayaa ka hor Bilaabashadii Shirkan Wada-Qadeeyey

Xaaladda Waxbarashada Degmooyinka ay Barayaasha ka qayb-galay kulankaasi ka Yimaadeen  ayaa ah mid soo hagaageysa.    

Daawo Sawirrada Shirka  

____________________________________________________________________________________________________
Ra'yigaaga noogu soo dir E-mail:- Info@ileys.org ama moallim@ileys.org

Copyright ©  2007 - All Rights Reserved. Ileys Foundation E-mail: info@ileys.org

Designed and Hosted by AfroTech