English   |   Somali  
HOMEPAGE
ABOUT_US
OBJECTIVES
CORE_VALUES
PROGRAMS-ILEYS
NALA SOO XIRIIR
 

      Sources of Funds

      Support Us

      Our Representatives
 
 
 
 


Masuuliyiin Hay’adda Waddaniga ah ee ILEYS oo la kulmay odoyaasha iyo maamullada waxbarashada 6 tuulo oo ka tirsan Hiiraan iyo G/gaduud
 

Masuuliyiin Ka Tirsan Maamulka Hay’adda Waddaniga ah ee ILEYS FOUNDATION Ee Gobolada Dhexe ee Soomaaliya  ayaa la qaatay Kulamo Kala gedisan Maamulada Waxbarashada, Odayaasha, iyo Qaybaha Kala duwan ee Bulshada ee illaa 6 Tuulo oo ka Kala Tirsan Gobolada G.gaduud iyo Hiiraan      
Iskoolka Degmada Matabaan

Kulamadan oo ay Madaxda ILEYS La qaateen Wax-garadka iyo Maamulada Waxbarashada ee Tuulooyinka Mareer-gur,Gadoon, Xanan-buuro, Ceel-dheere iyo Geri-Jir Oo kawada Tirsan Gobolka G.gaduud iyo Tuulada Qod-Qod ee Gobolka Hiiraan ayaa la is kula soo qaaday sida loo hir-gelinkaro dhismaha iyo aas-aaska goobo waxbarashada loogu tala galay oo ay yeelanayaan Tuulooyinkani oo aan hadda ka hor nasiib u yeelan Daryeel waxbarasho oo la taaban karo.

Masuuliyiinta ayaa kala hadlay Waxgaradka iyo Macalimiinta Tuulooyinkan Sidii dhallaanka ku nool Tuulooyinkani u heli lahaa Waxbarashada ay Xaqa u leeyihiin, iyadoo  hay’adda ILEYS FOUNDATION Taageeeraysa Sidii Ubadka Tuuluuyinkaasi ee Gaaray da’da Waxbarshda ay u aadi lahaayeen goobaha waxbarashada.


Dhismaha goobaha waxbarashada ee Tuulooyinka Mareer-gur iyo Qod-qod ayay Billowday hay’adda ILEYS iyadoo sidoo kalana geysay Tuulooyinkaas Qalabkii lagu Sii Billaabi lahaa, Waxa ayna sidoo kale hay’addu geysay illaa hadda goobaha ay waxbarashadu ka socoto Min hal macalin oo ay iyadu Siinayso Gunno joogto ah, Waxa ayna hay’addu qorsheynaysaa sidii ay u geyn lahayd Tuulo waliba labo bare oo si joogto ah uga shaqeynaya waxbarashada ubadka tuulooyinkaas.

Daahir Xuseen Naaleeye oo ka tirsan odayaasha Tuulada qod-qod ayaa ku deeqay dhulka laga dhisy dhismaha Waxbarashada ee tuulada Qod-qod ee gobolka hiiraan

Masuuliiyiinta ILEYS ayaa sidoo kale ku dhiiri geliyey Odayaasha iyo bulshada tuulada C.dheere in ay ku dadaalaan sidii loo socodsiin lahaa dugsiga hoose dhexe ee tuulada C.dheere oo isagu u baahan Wax xoogaa dayac-tir ah, hay’adda ILEYS ayaa kala Shaqeynaysa Barayaasha dugsiga C.dheere Sidii loo Fahamsiin lahaa hooyooyinka iyo Aabayaasha Tuuladaasi in ay ubadkooda geeyaan Waxbarashada iyadoo dhiiri-Gelintaasina ay billowday hay’adu.

Dhinaca kale hay’adda ILEYS FOUNDATION ayaa ka fulisay howlo isugu Jira dayactir, Qalabeyn, Shaqaaleyn barayaal iyo dar-dar-gelin  Ku aaddan Dugsiga hoose dhexe ee Degmada Matabaan ee gobolka Hiiran, iyadoo dhismaha dugsigaasi ay ka socoto howsha Hir-gelinta waxbarasho tayeysan oo ay hay’addu uga gol leedahay sidii loo heli lahaa Barayaal karti iyo aqoon fiican u leh wax-baridda ubudka da’da yar.



Masuuliyiinta ILEYS FOUNDATION ayaa kula jira kulamo isdaba-joog ah Bahda Waxbarashada iyo Wax-garadka degmooyinka DH.mareeb iyo Guri-ceel, kulamadan Ayey tahay ujeedada laga leeyahay Sidii looga billaabi lahaa degmooyinkaas  Wax-qab lagu tayeynayo Waxbarashada degmooyinkaas

Dadka ku dhqan Tuulooyinka ay hay’addu ka hirgelinayso Nidaamka dib u noolenyta Waxbarashada Tuulooyinka gobolkan ayaa aad u soo dhoweeyey  waxqabadka hay'adda oo ay ku tilmaameen mid ku soo beegmay Xiligii loo baahnaa in lahelo Cid ka Shaqeysa horumarinta Waxbarashada.

Tallaabadan ay qaadday hay'adda ILEYS ayaa noqonaysa Mid wax ka tarta Soo Celinta Mid kamid ah adeegyada Bulshada ku dhaqan goobaha ay hay'adddu ku howlan Tahay Sidii ubad aan Muddo dheer helin adeeg waxbarasho ay hadda uga faa'iideysan lahaayeen fursaddan ay bixinayso ILEYS FOUNDATION                                     

____________________________________________________________________________________________________
Ra'yigaaga noogu soo dir E-mail:- Info@ileys.org ama moallim@ileys.org

Copyright ©  2007 - All Rights Reserved. Ileys Foundation E-mail: info@ileys.org

Designed and Hosted by AfroTech