Kadib Wadahadallo Dhexmaray
Masuuliyiin ka socotay hay’add waddaniga Ee
ILEYS FOUDATION iyo Masuuliyiinta Maamulka iyo
nabadgelyada ee Degmada dh.mareeb ee Xarunta
gobolka galgaduud ayey suuragashay Howsha dib
loogu soo noolaynayo dhismihii iyo shaqadii uu
bulshada Gobolka galgaduud uu u qaban jiray
dugsigii sare ee ee gobolkaasi,
Masuuliyiinta maamulka iyo
nabadgelyada, odayaasha dhaqanka iyo Xubnaha
maamulka ee hay’adda ILEYS FOUNDATION oo wada
booqday Dhismaha Dugsiga sare ee gobolka
galgaduud oo ku yaal xarunta gobolka Galgaduud
ee DHuusamareeb ayaa isla gartay inay
muhiimtahay in Dhismaha dugsigaasi sare ee
Gobolka oo hadda guud ahaanba baaba’san Marka
laga reebo wax xoogaa yar oo ka Taagan
derbiyadii iyo qolalkii Qaarkood oo baaba’
xooggani ka muuqdo in la dayactiro si Ay uga
Faa’iideystaan araday aad u farabadan oo meelo
fog-fog u aadijiray tacliinta Dusiga sare
kadib markii ay dhammeysteen dugsiyada hoose
dhexe ee Gobolka galgaduud ayna ka waayeen
gobolkooda waxbarashada dugsiga Sare,taas oo
ku qasabta in haddii aanay awoodin u safarka
meelo fog-fog ay Sidaas ku waayeen tacliinta
dugsiga sare.

Irida Hore Ee laga galo Dugsiga
Masuuliyiinta hay’adda ILEYS
FOUDATION oo si gaar ah u booqday Dhismaha
Dugsigan ayaa qeexay in xiligani yahay mid ku
habboon in dib Loo howlgeliyo DHismaha dugsiga
sare ee gobolka, iyadoo hay’addu kadib Wadahadaladii
dhexmaray Masuuliyiinta hay’adda iyo madaxda
maamulka Iyo nabadgelyada ay ka billowday
Hay’addu Xarunta dugsiga sare ee Degmada
dhuusamareeb howl lagu nadiifinayo sabada
dugsiga iyo guud Ahaan xayndaabka Dugsiga si
loo suura-geliyo dhismaha qayb kamid ah Dugsigan
sare oo Isugu jirta qolal waxbarasho iyo
maamul si qayb ahaan dib Loogu soo celiyo
howshii uu dugsigani u hayey dadweynaha
gobolka Galgaduud, iyadoo Dhismahani uu
noqonayo wejigii koowaad ee loogu Talagalay in
lagu soo Celiyo shaqadii Iyo dhismihii
dugsigaasi sare,

Xaafiiskii uu dugsiga lahaa
Masuuliyiinta hay’adda oo guud
ahaan lawareegay dhismaha dugsiga ayaa Goobta
uu ku Yaal dhismahaaasi baaba’san waxa ay
geeyeen farsamo Yaqaano iyo Enjineero dhinaca
dhismaha ah oo naqshadeeya Dhismaha Cusub ee
dib loogu soo noolaynayo Muuqaalkii baaba’ay
ee Dugsiga sare ee Degmada dhuusamareeb iyo
guud ahaan gobolka galgaduud.
Maamulka hay,adda ILEYS
FOUDATION ayaa si guud ula wareegay DHammaan
dhismaha dugsigan sare ee gobolka galgaduud ka
dib markii ay Sidaas isla garteen dhammaaan
odayaasha dhaqanka iyo madaxda Maamulkaba.

Qeybtii Jiifka Dugsiga uu lahaa oo geedihii
laga jarey
Dhismaha dugsigan oo ahaa heer
gobol ayaa ka kooban 3-qaybood oo kala ah:
1-Qaybta Waxbarashada
2-Qaybta Jiifka ardayda
3-Qaybta Maamulka
Waxaana intaas soo raaca
musqulaha iyo derjiinooyinka nasashada oo
iyana Dugsigani lahaa, balse dhammaan qaybahan
ayaa hadd aburbursan iyadoo Ay adagtahay in si
dhib yar loo howl-geliyo dhammaan qaybaha kala
duwan Ee dugsigan sare.
Hay’adda ILEYS FOUDATION ayaa
qaadatay go’aanka dib loogu soo Celinayo
shaqadii dugsigaasi sare ee gobolka galgaduud
iyadoo alle Kaashanaysa
Dib
u soo celinta dhismaha dugsiga sare ee
dhuusamareeb ayaa ah mid rajo Iyo yididiilo
Cusub gelinaysa dadweynaha gobolka gaar ahaan
ardayda Dhibaatada badan ku qabay helidda
tacliinta dugsiga sare ee ku sugan guud Ahaan
degmooyinka gobolkan galgaduud.
Daawo Sawirada